Kulankan ayaa lagaga arrinsanayay xal u helida biyo la’aanta magaalada Mooyaale.

Magaalada Mooyaale ayaa ka mid ah aagaggii ay saamaynta xun ku yeelatay colaaddii laga dhex oogay shacabka labada qowmiyadood, waxaana burburay kaabayaashii adeegyada aas-aasiga ah, gaar ahaan kuwa la xidhiidha biyaha. Hay’adda ICRC ayaa wadda hindise dibu-dhis loogu samaynayo biyogalintii magaalada.

Hase’ahaatee, waxaa jira caqabado xagga amniga ah iyo kala irdhow labada shacab ee magaalada ku nool.

Haddaba, shirkan ayaa loogu gogol xaadhayay sidii labada deegaan ay isaga kaashan lahaayeen xal u helidda baahida biyaha ee magaalada Mooyaaale.

Waxaa isfahan fiican laga gaadhay qaabkii si wada jir ah ay hoggaaminta xafiisyada Biyaha ee labada deegaan iyo hay’adda ICRC xalka u raadin laahaayeen iyada oo wadatashi lala samaynayo dhinacyada ay khusayso.