Xaaladda adeegga Ceelasha Dhaadheer ee Gobolka Doollo.
______________
Gobolka Doolo, waa dhul caanka ku ah nidaamka biyo-qabadka dhulka oogadiisa ah sida Barkadaha iyo Baliyadda. Inkastoo nidaamkan wax badan ka taray helidda biyaha dadka iyo xoolaha, laakin ma ahan mid joogta ah oo bixin kara adeeg biyo nadiif ah. Sidaas darteed, wuxuu Xaf. Biyaha xooga saaray sidii loo heli lahaa adeeg biyo nadiif ah (improved water supply).

Dadaal badan oo muddo dheer socday ka dib Xafiisku wuxuu ka hirgeliyey Gobolka Doollo ceelal badan oo kor u qaaday heer daboolka biyaha nadiifka ah ee Gobolka.

Sida uu sheegay u qaabilsanaha Gobolka Doolo ee dhanka Biyaha (Zonal Focal Person), Gobolka Doolo wuxuu leeyahay:-
– 33 ceelal dhaadheer
– 31 way shaqeeyaan hadda (94%)
– 2 wey fadhiyaan (6%), ciladdo jira awgeed, haddana waxaa lagu jiraa sidii loo hagaajin lahaa.

– Dhanka kale waxa qorsheysan daraasaad cusub oo biyo raadinayo kuwaas oo gaadhayo ilaa 5 oo kale ( Danood, Warder inta badan).

Dhankiisna Wasiirka K/Xigeenka Xaf. Biyaha wuxuu sheegay in qorahaha labaad yahay sidii loo xoojin lahaa biyo gelinadda iyo biyo balaadhinta, maadaama baahidda bulshadu sii kordheyso gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee Gobolka. Guud ahaan, Gobolku waa meelaha Xafiiska Biyaha ee DDS ugu taareegidda badan yahay, maadaama gobolku sanadooyinkii u dambeeyey noqday goob abaartu ku noqnoqoto (drought-prone areas).