Waftigi ka socday xafiiska biyaha DDS ee uu hoggaaminayay madaxa xafiiska ayaa galabta gaadhay mashruuca biyagalinta ee Goray ee degmada Gursum.

Mashruucan oo ay gacanta ku hayso wakaalada Dhismaha hawlaha biyaha & Qodista ceelasha DDS ayaa loogu talagalay in ay ka faa’idaystaan shacab gaaraya 47,680 qof. Lacagta mashruuca ku baxaysa ayaa gaaraysa 112Million.

Mashruucan oo laga soo jiiday Faafan islamarkaan ay ka faa’idaysanayaan 7 Qabale oo ka kooban degmooyinka Gursum & Goljano ayaa hadda maraya 73%.

Sidoo kale Masuuliyiinta waxay booqdeen ceel loogu talagalay in lagu kordhiyo biyagalinta mashruucan oo laga qodayay Agagaarka Qabalaha Goray.

Oogu dambayn, masuuliyiinta Xafiiska ayaa kula dardaarmay wakaalada mashruuca gacanta ku haysa in sadex bilood gudahood lagu dhameeyo mashruuca maadaama uu yahay mashruuc ahmiyad gooni ah u leh deegaanka.